Turjumidda Bayaanka kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Ku aaddan Doorashada Soomaaliya

 Wasaaradda Arrimaha dibadda maraykanka ayaa cunaqabatayn dhanka Visaha kusoo rogtay dadka caqabadda ku ah dhamaystirka doorashada, waxayna xalay soo saartay qoraalkan oo an Somali u turjumay. 


"Dib u dhaca ku yimid gabagabada doorashada Soomaaliya ayaa horseedaya xasilooni darro siyaasadeed, khatar ku ah guulaha laga gaaray dhanka amniga, iyo hoos u dhigista horumarka dhaqaalaha.

 

 8-dii Febraayo, waxaan ku dhawaaqay siyaasadda xaddidaadda fiisaha ee hoos timaada Qeybta 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda si loo xaddido bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay mas'uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, wax u dhimidda geeddi-socodka dimuqraadiyadda.  Soomaaliya.  Ka dib markii lagu guul daraystay in la qabto xilligii loo qabtay doorashada oo ku beegnayd 25-ka bishan February, si loo dhamaystiro doorashada golaha wakiilada, ayaa golaha wada tashiga  qaranka waxa ay wakhtiga ku kordhiyeen 15-ka March.  Waxaan hadda ku soo rogaynaa xannibaado fiisaha oo ka dhan ah tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale si aan kor ugu qaadno isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah.

 

Habacsanaanta habraaca iyo adeegsiga ciidamada amniga ayaa wiiqay hannaankii doorashada oo sanad ka badan dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay.  Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah ee ka shaqaynaya inay taageeraan  dimuqraadiyadda ah iyo hababka daah-furnaanta ayaa lala beegsaday handadaad, caga-jugleyn, xadhig, iyo rabshado.

 

Is-mariwaaga siyaasadeed ayaa sidoo kale leh saameyn ballaaran, oo ay ku jiraan curyaaminta isbedelada dhaqaale ee Soomaaliya iyo in la geliyo khatar dhamaystirka waqtigii loo qabtay dayn cafinta Soomaaliya. 

 

 Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u soo gebagebeyso doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo.  Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyn doonta tallaabooyin dheeri ah oo hoos yimaada siyaasaddan iyo siyaabaha kale ee aan awoodno si aan kor ugu qaadno isla xisaabtanka iyo in aan taageerno geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.  Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go'an inuu ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal" 


Comments