Turjumidda Bayaanka kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Ku aaddan Doorashada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha dibadda maraykanka ayaa cunaqabatayn dhanka Visaha kusoo rogtay dadka caqabadda ku ah dhamaystirka doorashada, waxayna xalay soo saartay qoraalkan oo an Somali u turjumay. "Dib u dhaca ku yimid gabagabada doorashada Soomaaliya ayaa horseedaya xasilooni darro siyaasadeed, khatar ku ah guulaha laga gaaray dhanka amniga, iyo hoos u dhigista horumarka dhaqaalaha. 8-dii Febraayo, waxaan ku dhawaaqay siyaasadda xaddidaadda fiisaha ee hoos timaada Qeybta 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda si loo xaddido bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay mas'uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, wax u dhimidda geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Soomaaliya. Ka dib markii lagu guul daraystay in la qabto xilligii loo qabtay doorashada oo ku beegnayd 25-ka bishan February, si loo dhamaystiro doorashada golaha wakiilada, ayaa golaha wada tashiga qaranka waxa ay wakhtiga ku kordhiyeen 15-ka March. Waxaan hadda ku soo rogay...